Madaxweynaha Somaliland oo faahfaahin ka bixiyay dheeraad ah heshiiskii la saxiixday Itoobiya isla markaana ka hadalay arrimo xasaasi ah

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo dib igu soo laabtay magaalada Hargeysa, kaasoo si weyn loogu soo dhaweeyay, ayaa ka hadlay hishiiskii uu la saxiixday dalka Itoobiya ee dhaliyay hadal heyn badan, isla markaana la kulmay diidmo xooggan oo ah caalamaka iyo gobolkaba.

Madaxweyne Biixi  ayaa sheegay in arinta ku saabsan  in badda la iibiyay aysan aheyn mids ku saleysan xaqiiqda, kana fogtahay , isaga oo sheegay in heshiiska Itoobiya lala galay uu yahay mid loo eegay dastuurka iyo shuruucda Somaliland, sida hadalka uu u dhigay.

Waxaa uu sheegay in dastuurka Somaliland uusan oggoleyn in la iibiyo dhul ay leedahay Somaliland, taasina aysan suurtagal aheyn, laakiin tallaabada ay qaadday xukuumadiisa ay tahay in la kireeyo oo kaliya.

Waxaa uu sheegay in muddo 33 sano ah ay Somaliland raadineysya aqoonsi, Itoobiyana ay diyaar u tahay in Somaliland ay aqoonsato, sidaa darteedna  ay dooneyso meel ay dejiso ciidamadeeda badda, ayna u ogolaadeen.

Gabagabadii waxaa uu hoosta ka xariiqay in dowladda Soomaaliya ay dooneyso in iyada la soo maro ee aysan diidaneyn in badda la kireeyo, sida uu hadalka u dhigay Muuse Biixi.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed