Madaxweynaha Somaliland Iyo Murashaxa Xisbiga Waddani Oo Ka Hadlay Arrimaha Doorashooyinka

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta oo Khamiis ah magaalada Hargeysa kula kulmay Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee Kulmiye, ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed iyo siyaasiyiin kale.

Kulankan oo ka dhacay xarunta madaxtooyada ayaa lagaga wada hadlay arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin doorashooyinka madaxbannaanida la filayo inay dhawaan ka qabsoomaan maamulkaas. Muuse Biix iyo madaxda xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa isla gartay in guddiga doorashooyinka laga taageero arrimaha doorashooyinka.

30-kii bishan Agoosto, Madaxweyne Muuse Biixi iyo xisbiyada mucaaradka ah ee Somaliland ayaa xal ka gaaray khilaaf muddo soo jiitamayay oo dhanka doorashada ah, kaddib markii ay isku afgarteen in doorashada madaxtooyada iyo ururrada siyaasadda ay dhacdo isku maalin.

Horay ayaa labada dhinac waxa ay ugu murmeen sida ay u kala horeeyaan doorashooyinka ururada siyaasada iyo doorashada madaxweynaha. Madaxweyne Biixi waxa uu ku dooday in doorashada ururrada siyaasadda laga horreeyo doorashada madaxtooyada, taas oo ah mawqif ay mucaaradku ka caga jiidayeen.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed