Madaxweynaha Puntland oo sheegay xilliga ay dhaceyso dooraashada maamulkaas

Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka dhawaajiyay in uusan dooneyn muddo kororsi ku aaddan xukumadiisa,  waxaa uu meesha ka saaray hadal muddooyinkii dambe warbaahinta heystay kaas oo sheegayay in Deni uu quud-darreynayo muddo kororsi dadban.

Madaxweyne Deni ayaa ballanqaaday in  8 bisha January ee sanadka soo aaddan 2024 ay Puntland ka qaban doonto doorashada axsaabta badan, qorshahaasna ay wadaan sidii loo hirgalin lahaa.

Waxaa uu hoosta ka xariiqay in uu la socdo dhibaatada ay leedahay muddo kororsi iyo dhibaatooyinka ka dhallan karo, waxaa uu intaas raaciyay in hadalkaas ku saabsanaa muddo kororsiga uu ahaa mid aanan sal iyo raad laheyn.

 

Deni waxaa uu uu soo hadal qaaday in haddii laga guuleysto uu xilka si nabad ah ku wareejin doono, asiga oo meesha ka saaray hadal heyn xooggan oo ku aaddaneed in uusan Deni Dooneyn doorasho waqtigeeda ku dhacdo. Waxaa uu ku faanay in ay ka goan tahay ka mira dhalinta rajada reer Puntland ay ku tamaayaan ee ah in la gaaro nidaam dimuqraadiyadeed oo ay dadku ku dooran karaan madaxdooda.

Gunnaanadkii khudbadiisa waxaa uu sheegay in loo diyaar garoobo dooraashada  Puntland ee bilaawga sannadka cusub ee soo aadan, hadalkaan ayaa imanaya iyada oo muddooyinkii dambe siyaasiyiinta mucaraadka Puntland ay sheegayeen im Saciid Deni uu doonaayo muddo kororsi sharci darro ah.

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed