Madaxweynaha Puntland oo sameeyay magacaabis Golihiisa Wasiiradda

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntland,  ayaa lagu magacaabay  Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha maamulkaaas.  Kaas oo loo magacaabay Xasan Yuusuf Majabe.

Qoraalka ka soo baxay ayaa lagu yiri sidaan ” Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 44 ee 19-ka October, 2023, kuna saabsan magacaabid Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland”

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo.

Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Xasan Yuusuf Majabe loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland

2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

Si kastaba,  Saciid Cabdullaahi Deni oo la kulmaya Caddaadis siyaasaseed oo dhanka Mucaraadka ah ayaa isbuucaan magacaabay Wasiirka amniga xukuumadiisa.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed