Madaxweynaha Puntland oo magacaabay Wasiiro ku xigeeno iyo Wasiiro Dowlayaal

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa magacaabay wasiirro ku-xigeenno iyo wasiiru-dowlayaal si ay u dhamaystiraan golihiisa wasiirrada, kaddib markii uu horay u magacaabay liiska Golahiisa Wasiirada.

Siciid Deni ayaa magacaabay 22 wasiir ku xigeen iyo 14 wasiiru dowle, waxaana lagu daray 21 wasiir oo uu horay u magacaabay, taasoo tirada guud ee golaha wasiirada ka dhigaysa 57 xubnood.

Wasiirada la magacaabay ayaa kala ah:-

1. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta: Maryan Cismaan Axmed (Fangaase).

2. Wasiir ku xigeenka Amniga: Maxamed Axmed Qahiye

3. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda: C/raxmaan Khaliif Faarax

4. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda: Eng. Cabdullaahi Ismaaciil Maxamed

5. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dakhliga Maaliyadda: Axmed Maxamed Bulxan

6. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorsheynta: Eng. Maxamed Xasan Ibraahim

7. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada: Maxamed Diiriye Gamaadiid

8. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka: Dr. Cabdirashiid Xaaji Jaamac

9. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Howlaha Guud Cabduqaadir Maxamed Gaylaan

10. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dekedaha: Faarax Cali Cabdi

11. Wasiir ku xigeenka duulista iyo garoomada: Cabdirashiid Sheekh Cali (Dhagaysi).

12. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Haweenka: Saciido Xuseen Cali

13. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Yacquub Maxamed Caddalla

14. Wasiir ku xigeenka ganacsiga C/kariin Maxamed Xasan

15. Wasiir ku xigeenka Xanaanada Xoolaha Dr. Axmed Cartan Maxamed

16. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Isbeddelka Cimilada: Ayuub Cali Axmed

17. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Kalluumeysiga: Maxamuud Maxamed Cali Gabax

18. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada: Faarax Jaamac Boos

19. Wasiir ku xigeenka Tamarta: Siciid Salaad Maxamed

20. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka: Axmed Siciid Qaloombi

21. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Faysal Cali Ismaaciil

22. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha: Siciid Saalax Seed.

Wasiiru Dowlayaasha: –

1. Cabddul Cali Warasme Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta.

2. Kayse Cabdi Yuusuf Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga iyo DDR.

3. Yuusuf Maxamed Wacays Dhedo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyadda.

4. Maxamuud Sheikh Ciid Muuse Wasiiru Dowlaha Maaliyadda.

5. Faarax Maxamuud Aw- Cismaan Wasiiru Dowlaha Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga.

6. Cabdisalaan Cali Faarax (Biligsay) Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.

7. Axmed Sheikh Faarax Maxamed Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka.

8. Maxamed Siciid Xasan Wasiiru Dowlaha Dekeddaha & Gaadiidka Badda.

9. Siciid Maxamed Warsame Awaare Wasiiru Dowlaha Duulista Hawada iyo Garoomada.

10. Cabdinaasir Axmed Aadan Wasiiru Dowlaha Xanaanada Xoolaha.

11. Siciid Maxamed Raage Wasiiru Dowlaha Kalluumeysiga & Kheyraadka Badda

12. Cabdiraxmaan Cali Ismaaciil Wasiiru Dowlaha Tamarta, Macdanta & Biyaha.

13. Cabduqaadir Jaamac Cali Afrax Wasiiru Dowlaha Beeraha iyo Waraabka

14. Cabdifitaax Maxamed Cabdinuur Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed