Madaxweynaha Puntland oo magaacay xubno kamid noqonaya guddiga doorashada maamulkaas

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa wareegto ka soo baxday xafiiskiisa ku magacaabay seddex xubnood oo uu ku daray guddiga doorashooyinka maamulkaas, kuwaas kamid noqonaya guddiga ka shaqeynaya doorashad soo aaddan.

“Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 42 ee 15-ka Agoosto 2023 kuna saabsan Magacaabida Xubnaha Guddiga Doorashooyinka ee PEC.” Bayaanka ka soo bax Madaxtooyada Puntland ayaa lagu yiri sidaas.

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland:-

Markuu arkay: Dastuurka Dowlad Gobaleedka Puntland Qodobkiisa 113-aad farqadiisa 1-aad xarafka (t)

Markuu arkay: Aqootooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda shaqo.

Markuu arkay: Baahida loo qabo dhismaha Guddiga Doorashooyinka Puntland ee (PEC)

Markuu La-tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Gobaleedka Puntland

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xubnaha hoos ku xusan loo magacaabay Guddiga Doorashooyinka Puntland ee (PEC), kuwaas oo kala ah:

Cabdullaahi Siciid Ismaciil (Keytoon)
Maxmed Abshir Garaad
Maxamuud Soofe Xasan

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay ayaa lagu yiri Wareegtada ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha dowlad gobaleedka Puntland.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed