Madaxweynaha Puntland oo Looga Digay in Lafuro Dastuurka Maamulkaasi.

Mid kamid ah Ururada Siyaasadeed ee dowlad goboleedka Puntland ayaa ka digay in la furo Dastuutka maamulkaasi kadib doorashadii golaha deegaanka ee lagu qabtay deegaannada Puntland bishii hore.

Urur Siyaasadeedka oo kamid ahay Ururadii ugu sida xooggan ula loolamayay Saciid Deni  ayaa hadlay doorashadii goleyaasha deegaanka degmooyinka Puntland ee ka dhacday 30-ka degmo iyo marxalada siyaasaddeed ee Puntland marayso.

War saxaafadeed kasoo baxay Ururka Mideeye ayaa waxaa uu ka digay  in dano gaar ah xukuumadda Madaxweyne Saciid Deni u furto dastuurka Puntland, kaasoo xiligan hindise sharciyeedkiisu horyaallo kalfadhiga golaha wakiilada Puntland.

Waxaa uu intaasi ku daray in laga fogaado wax walbe oo wax u dhimi karo Dimoqoraadiyadda Puntland, abuurina karto khilaaf siyaasadeed iyo xasilooni darrada Puntland.

Si kasstaba, bayaankaa ayaa ku soo aadaya iyada oo dhawaan khilaaf xooggan oo uu hareeyay Madaxweyne Deni iyo siyaasiyiinta maamulkaasi kadib markii Maamulka talada haya uu bilaabay Olole wax lagu furaayo dastuurka maamulkaasi, taas oo keentay in isku dhac iyo kala shaki.

HBN NEWS DESK.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed