Madaxweynaha Puntland oo Laga Horyimid Wareegto Uu soo Saaray

Muqdisho ( Hbn tv)- Siyaasiin Culus oo ka horyimid  waqtiga uu madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni u asteeyay qabsoomida doorashada goleyaasha deegaanka ee Puntland, taas oo uu wareegto ka soo saaray maalmo kahor.

Guddoomiyihii hore ee guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland Guuleed Saalax Barre aya ku gacan seyray hadalkii hoggaamiyaha Saciid Deni ee la xiriiray waqtiyeynta doorashooyinka Golaha deegaanka Puntland.

Waxaa uu hoosta ka xariiqay in aysan marnabo aqbaleyn una hoggaansami dooni hadalkii ka soo baxay Madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa Axaddii soo saaray wareegto uu ku asteeyay xilliga ay dhaceyso doorashada goleyaasha deegaanka ee Puntland, taasi oo laga dhigay maalin Khamiis ah oo ah 25-05-2023-ka.

Si kastaba, waxaa muddooyinkii dambe ka taagna maamulka Puntland khilaaf xooggan oo la xiriira doorashooyinka qof iyo codka ah ee deegaannada Puntland, iyada oo had dad mucaaridka uu ka horyimid hanaanka ay wax ku wado xukuumadda uu hoggaamiyo madaxweyne Deni.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed