Madaxweynaha Puntland iyo Ururada Siyaasadda oo ka wada hadlay arrimaha doorashooyinka cakiran ee maamulkaas

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa magaalada Garoowe ugu yeeray shir ay isugu imaanayaan ururrada siyaasadda, kaasi oo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka maamulkaas.

Madaxweyne Deni oo ay weheliyaan xubno ka socday Ururrada Siyaasadda ee SINCAD, IFYE, RUNCAD, MUSTAQBAL, KAAH, iyo SHAQALAHA, ayaa ka wada hadlay sidii loo dardargelin lahaa dhamaystirka doorashooyinka hal qof iyo hal cod ee Goleyaasha Wakiilada, Madaxtooyada iyo saddexda degmo ee ka hartay doorashooyinkii hore ee degmooyinka Doorashooyinka Golaha Deegaanka ee Gobolka Nugaal – gaar ahaan Garoowe, Dangoroyo, iyo Godobjiraan.

Shirka jaraa’id oo uu qabtay Madaxweyne Siciid Deni ayaa markii uu soo idlaaday shir jaraa’id ku sheegay in maamulkiisa uu diyaar u yahay inuu wadahadal la yeesho kooxaha ka soo horjeeda, si xal loogu helo caqabadaha siyaasadeed ee ku xeeran doorashada.

Dhowaan, kulanka baarlamaanka ayaa diiradda lagu saaray xeerka wax ka bedelka doorashada ee muranka badan dhaliyay, iyadoo xubnaha ay isku khilaafsan yihiin dhaqangelintiisa.

Qodobka koowaad ee la isku hayo ayaa salka ku haya sharciga dib u habeynta doorashada oo ay soo bandhigeen guddiga doorashada Puntland. Guddiga gaarka ah ee golaha u xilsaaran sharciga doorashooyinka ayaa soo bandhigay qodobada iska hor imaanaya qodobada 44, 56, iyo 81 ee dastuurka  Puntland. Inkastoo guddiga ay soo jeediyeen in ansixinta sharcigan dib loo dhigo si loo helo xasillooni amni, ayaa haddana waxaa arrintaasi ka biyo diiday guddoonka baarlamaanka, isagoo ku nuux-nuuxsaday inay muhiim tahay in la ilaaliyo xasilloonida ammaanka.

Si kastaba, xukuumadda iyo mucaaradka ayaa soo bandhigaya aragtiyo kala duwan oo ku aaddan habka loo qabanayo hannaanka doorashada Puntland, taasoo dhalisay in ay aad u kala fogaadaan dhinacyada, waxana wili taagan kala aragti duwanaanta kooxaha.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed