Madaxweynaha Puntland iyo Safiirka dowladda Ingiriiska oo yeeshay kulan muhiim ah xilli ay cakiran tahay khilaafka doorashada maamulkaas

Madaxweynaha Puntland iyo Safiirka dowladda UK Michael Nithavrianakis ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Garowe ee caasimadda maamulkaas, kulaankaan ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahay Madaxweyne Ku-xigeenka maamulkaasi  Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Kulankan waxa ka qeyb galay xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda maamuka Puntland, isla markaana waxaa diirada lagu saaray guud ahaan xaalada Soomaaliya iyo arrimaha Puntland, sida Doorashooyinka dimuqraadiga ah ee Puntland loo dhamaystiri lahaa iyo sidii loo sii dardargelin lahaa mashaariicda horumarineed ee UK ka fuliso Puntland, sida lagu sheegay kulanka.

Kulankan ayaa imaanaya, iyadoo Puntland ay cakiran tahay xaaladda doorashooyinka, taasoo si weyn iskagu khilaafsan yihiin xukuumadda iyo mucaraadka, Deni ayaa ku adkeysanaya  inuu qabanyo doorasho dad weyne, halka mucaraadka ay doonayaan doorashooyinkii hore ee ku dhisanaa qabaliga ah.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed