Madaxweynaha Jubbaland oo yimid Muqdisho iyo xog ku saabsan jeedka safarakiisa

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Madoobe iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, Axmed madoobe waxaa Muqdisho ku soo dhaweeyey Xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan Dowladda federaalka, safarkaan ma aheyn mid horay loo shaaciyay, faaah faahina lagama bixin jeedka.

Balse warar madax bannaan oo ku dhawa xafiisyada madax dalka ayaa sheegaya  in Madaxweynaha Jubalaand  uu kulan la qaadan doono  nadaxda sare ee dalka sida  Madaxweynaha iyo raysalwasaaraha isla markaana looga hadli  arrimo la xiriiro dagaalka al-Shabaab iyo dhamaystirka dastuurka oo dowladdu dooneyso in ay cod uga hesho labada aqal ee baarlamanka Soomaaliya.

Imaanshaha Axmed Madoobe waxaa uu ku soo beegmayaa iyada oo dhawaan dowladdu ay qorsheyneyso in ay bilaawdo dagaalka wajiga Al-shabaab, kaas oo bilaaban doono Galmudug, qorshaha dolwadda ayaa ah in Galmuudg ilaa Hiiraan, iyo  Shabeelada Dhexe in ay isku furaan.

Axmed Madoobe ayaa madaxda dolwadda kala hadli doono sidii maamulkiisa looga gacan siina deegaannada Al-shabaab ay ka heystaan Jubalaand oo aad uga badan maamulada kale.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed