Madaxweynaha Koonfur Galbeed & Danjiraha Ingiriiska oo yeeshay kulan xasaasi ah

Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed ayaa kulan muhiim ah la qaatay Danjiraha Dowladda Ingiriiska ufadhiya Soomaaliya Mike Nithavrianakis iyo wafdi uu Hogaaminayey oo maanta Safar ku tagay Magaalada Baydhabo.

Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Danjiraha Ingiriiska ayaa ka wada hadlay arrimo kala duwan oo khuseya xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan dagaallada ka dhan ah Al shabaab wajigiisa labaad oo lagu wado in laga bilaabo maamulkaas iyo kan ay ood-wadaagga yihiin ee Jubalaand, labada dhinac ayaa isla qaaatay in ahmiyad gaar ah la iska saaro hannankii lagu bilaabi lahaa howlgallada wajiga labaad , loona diyaar garoobo.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay saameynta arrimaha abaaaraha ay ku yeehseen maamulkaas, iyo sidii loo Dardar-gelin lahaa Mashaariicda Dowladda Ingriiska ay ka Wado Deegannada Koonfur Galbeed.

Ugu dambeyn kulanka ayaa ku soo dhammaaday is fahan ku aaddan hannaanka waxtar leh, oo lagu wiiqinaayo jiritaanka ururka Al shabaab, iyo Ingiriisku uu diyaar u yhay in taageero dhinac walbe ah ay diyaar ula yihiin dadka ku nool deegaannada maamulka KGS.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed