Madaxweynaha Koonfur Galbeedo wax ka beddelka dastuurka kala hadlay Xildhibaanada ka soo jeedo maamulkaas

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa si weyn u taageeray dhameystirka Dastuurka Soomaaliya iyo dhaqan gelinta heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee Baydhabo ka dhacay May 27, 2023.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay kulan ay yeesheen xildhibaanada federaalka ee laga soo doortay dowlad goboleedka Koonfur Galbeed iyo kuwa maamulkiisa ayaa hoosta ka xariiqay in dib u habeynta hannaanka siyaasadeed ee dalka ay tahay mas’uuliyad wadareed.

Bishii May ee sanadkii hore, Golaha Wadatashiga Qaran oo ay ku jiraan Madaxda Federaalka sida Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisal Wasaare Xamza Cabdi Barre, Ra’iisal Wasaare Ku Xigeenka Saalax Axmed Jaamac, oo ay wehliyaan afar ka mid ah Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Duqa Magaalada Muqdisho, ayaa isku raacay in sanadka soo socda la soo bandhigo doorashooyin toos ah, lana mideeyo jadwalka doorashada, iyadoo la taageerayo in dalka uu yeesho nidaam madaxtinimo.

Sida ku cad heshiisyada , doorashada golaha deegaanka ayaa lagu wadaa inay qabsoonto 30-ka bisha June ee sannadka soo socda, iyadoo ay ku xigto doorashada baarlamaanka iyo hoggaanka gobollada oo dhici doonta 30-ka bisha November ee isla sannadkaas. Hogaamiyayaasha ayaa ku heshiiyey in laba xisbi oo kaliya ay ku tartamaan talada dalka.

Si kastaba ha ahaatee, heshiiska  ayaa la filayaa in loo gudbiyo baarlamaanka si ay u ansixiyaan toddobaadyada soo socda, dhowr siyaasi oo caan ah oo uu ku jiro Madaxweynihii hore Sheekh Shariif iyo Ra’iisul Wasaarayaal ayaa ka soo horjeestay heshiisyadaas, iyadoo Baarlamaanka Soomaaliya la horgeyn doona dhawaan haddii ay meel mariyaan qorshaha dowladdaan ayaa hirgeli doono oo ah doorasho qof iyo cod ah, isla markaana hannaanka doorashooyinka ay noqon doonaan madaxweyne iyo ku xigeenkiisa.

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed