Madaxweynaha Koofur Galbeed oo tagay degmada Buur-Habo iyo ujeedka safarkiisa

Madaxweynaha Dowlada gobolleedka Koonfur Galbeed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray degmada Buur-Hakabo ee gobolka Baay, kuwaas oo u kuur galay xaaladda nololeed.

Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen waxaa safarka ku wehliyay Wasiirro, Xildhibaanno, Maamulka Degmada, Saraakiisha Amniga iyo Qeybaha kala duwan Bulshada ayaa Wafdiga Madaxweynaha kuso dhoweyey Degmada Buur-Hakaba.

Inta uu joogo Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxay kulamo kala duwan la qaadan doonaan qaybaha kala duwan ee Bulshadda, iyaga oo ka dhageysan doona baahiyaha ay qabaan iyo arrimo khuseeyo hormarinta degmada iyo in la iska kaashado ammaanka guud iyo nabad galyada.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed