Madaxweynaha Koofur Galbeed oo kulan muhiim ah la yeeshay masuuliyiin ka socotay dowladda dhexe iyo ujeedka kulankaas

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, C/casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, ayaa Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Baydhabo ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac.

Madaxweyne Laftagareen oo wafdiga la socday Guddiga Gurmadka Fatahaadaha Koonfur Galbeed ayaa Ra’iisul Wasaare ku xigeenka iyo wafdigiisa la wadaagay dhibaatooyinka ka dhashay fatahaadaha wabiga Shabeelle ee ka jira deegaanada Koonfur Galbeed iyo dadaallada lagu samata bixinayo dadka ay saameeyeen fatahaadaha.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka iyo Madaxda Hay’adaha la socda wafdiga ayaa sheegay in u jeedka socdaalkooda uu yahay sidii loo caawin lahaa dadka ay saameeyeen fatahaaduhu ee ku nool guud ahaan deegaanada Koonfur Galbeed.

Booqashada ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac ayaa kusoo beegmaysa xilli qaar kamid ah gobollada dalka ay ka da’een roobab mahiigaan ah, kuwaasoo geystay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac, barakac iyo burbur hantiyeed.

 HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed