Madaxweynaha Kenya oo qaaday xayiraad lix sano ah oo dhanka dhirta ah

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa ku dhawaaqay in la qaaday xayiraadii saarneyd jarista dhirta ku dhawaad ​​muddo lix sano,  waxaa uu hooosta ka xariiqay in tallaabadaan ay thay mid ku saabsan kobac dhaqaale, inkastoo ay walaac ka muujiyeen dadka u dhaqdhaqaaqa deegaanka.

Ruto ayaa sheegay in tallabadaasi ay tahay mid looga golleeyahay in lagu abuuro shaqooyin laguna furo qaybaha dhaqaalaha ee ku tiirsan wax soo saarka kaymaha.
Madaxweynaha Kenya, ayaa sheegay in safka hore ay ka yihiin dadaalka Afrika ee lagula dagaallamayo isbeddelka cimilada, waxaa uu xusay in dawladdu ay sii wadi doonto qorshayaal lagu beerayo 15 bilyan oo geed muddo 10 sano ah.

Joojintan ku aadan jarista dhirta ayaa waxa ay xukuumadii hore ku soo rogtay bishii February 2018 kaymaha dadweynaha iyo bulshada iyada oo ujeedadu ahayd in meesha laga saaro jarista sharci darada ah ee baahsan iyo kordhinta kaynta qaranka oo la gaarsiiyo 10%.
Dhirta aya sannadkii hore 1.6% waxay ku kordhiyeen dhaqaalaha Kenya, sida lagu sheegay tirakoobka dowladda, oo sidoo kale sheegay in tirada guud ee keymaha ay ahayd 8.8% sanadka 2022-ka.

Dalka Kenya shacabka ku nool ayaa wajahaya dhaqaalo xumo baahsan, xilligii ololaha Ruto ayaa sheegay in uu ka shaqeyn doono hormarinta dhaqaala dalka haddii uu ku guuleysto kursiga.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed