Madaxweynaha Kenya oo jawaab ka bixiyay safarradii ugu badnaa ee dibadda ah muddo sanad ah marka loo eego kuwii isaga ka horreeyay

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa difaacay booqashooyin badan oo uu ku tagay dalka dibadiisa, isagoo sheegay in ay ka faa’iideen dhanka dhaqaalaha.

Mr Ruto ayaa lagu dhaleeceeyay inuu galay safarradii ugu badnaa ee dibadda ah muddo sanad ah marka loo eego kuwii isaga ka horreeyay. Warbaahinta gudaha ayaa sheegaysa inuu tagay 38 wadan tan iyo markii uu xukunka qabtay Sebtembar 2022.

Laakin khudbad uu ka jeediyay Axaddii, Mr Ruto wuxuu sheegay in safarradaas uu ku guuleystay in uu shaqo u helo dadka Kenyanka ah, uuna la galay heshiisyo laba geesood ah oo dhowr ah oo looga gol leeyahay in suuqyo loogu furo wax soo saarka gudaha.
Madaxweynaha ayaa sheegay in 350,000 oo shaqo iyo fursado maalgashi uu u helay Kenyanka booqashooyinki ugu dambeeyay ee Sacuudiga iyo Shiinaha.
HBN NEWS DESK

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed