Madaxweynaha Kenya oo hoos u dhigay digniinta El Niño ka dib saadaasha Khubarada

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa sheegay in Kenya aysan heli doonin roobabka El Niño sida la saadaaliyay, isagoo soo qaatay  waaxda saadaasha hawada ee Kenya.

“Waaxda saadaasha hawada ayaa hadda sheegtay in El Niño aysan dhici doonin, kaliya waxaan da’aynaa roobab mahiigaan ah balse ma noqon doonaan kuwo wax burburiya,” ayuu yiri Mr Ruto.

Wuxuu ku booriyay dadka reer Kenya inay isticmaalaan saadaasha cusub ee roobabka si ay u soo saaraan cunno badan oo ay ka helaan beeralayda si loo xaqiijiyo in dalka uu yahay mid sugan oo cunto leh.

Khubarada ayaa ka digay in roobabka El Nino ay ku dhufan karaan Kenya iyo dalalka kale ee Bariga Afrika laga bilaabo bartamaha bisha Oktoobar.

Digniinta ku saabsan in roobabka dabeylaha wata ay sababi karaan fatahaado, burbur soo gaara kaabayaasha dhaqaalaha iyo dhimashada suurtagalka ah ayaa keentay in dowladda Kenya ay heegan gelisay ciidamada milateriga haddii ay dhacdo xaalad degdeg ah.

Kenya waxaa ugu dambeesay roobabka El Nino sanadkii 1997-dii, taas oo geystay burbur gaar ahaan waddooyinka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed