Madaxweynaha Galmudug, Taliyaha NISA iyo Wasiirka Gaashaandhigga oo tagay furimaha hore deegaalka Al shabaab

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo ay wehliyaan Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa gaaray deegaanka Ceel Garas oo ah deegaan yar oo istiraatiiji ah ee ku yaal gobolka Galgaduud maanta oo Isniin ah.

Ciidamada dowladda oo garab ka helaya maleeshiyaad deegaanka ah ayaa u suurtagashay in ay dib ula wareegaan deegaanka Ceel-garas oo 40 KM u jira degmada taariikhiga ah ee Ceelbuur, iyadoo aan la kulmin wax iska caabin ah ama dagaal ah, marka laga reebo miinooyin ay dhulka galiyeen Al shabaab oo sababay dhimasho dhawac.

Madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa bogaadiyay dadaallada wadajirka ah ee lagu xoreynayo deegaanno dhowr ah oo dhaca bariga gobolka Galgaduud. Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ayaa ku nuux nuuxsaday in howlgallada ciidanku ay sii socon doonaan inta laga ciribtirayo kooxdaasi.

Si kastaba ha ahaatee, laba Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug iyo qof rayid ah ayaa ku dhintay qarax miino oo ka dhacay deegaanka Ceel-garas. Xildhibaan Maxamed Maxamuud Axmed (Maxamed Yare) oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug iyo C/llaahi Ibraahim Shaaciye oo ka tirsan Golaha deegaanka Dhuusamareeb ayaa gaaray magaalada si ay u booqdaan ciidamada dib u qabsaday Al-Shabaab.

Ceel-garas waa deegaan yar oo dhaca wadada isku xirta Dhuusamareeb iyo Ceelbuur oo dhowr iyo toban sano ay maamulayeen Al-Shabaab. La wareegitaanka ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka Ceel-Garas ayaa ah tallaabo muhiim ah oo dib loogu soo celinayo gacan ku heynta degmada Ceelbuur.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed