Madaxweynaha Galmudug oo gaaray Jubaland iyo ujeedka kulankaas

Madaxweynaha  Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbaland, isagoo ka jawaabaya casuumaad uu u fidiyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam. Booqashadan oo si weyn loogu soo dhaweeyay Garoonka Sayid Maxamed, ayaa waxaa ku soo dhaweeyay Madaxweyne Kaariye, Madaxweyne Axmed Madoobe, xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Inkastoo aan la ogeyn ujeedada gaarka ah ee Madaxweyne Kaariye uu u tagayo Magaalada Kismaayo, ayaa hadana waxaa jira warar aan ka helnay oo sheegaya QoorQoor uu Axmed Madoobe kala hadli arrimo khuseya wax ka beddelka dastuurka KMG ee Soomaaliya, oo mudodoyinkii la soo dhaafay dooddiisa ay ka socotay warbaahinta.

Madaxweyne Kaariye ayaa si firfircoon uga qayb qaadanaya shirarka dowlad goboleedyada isagoo dhowaan soo gabagabeeyay kulamadii uu Muqdisho kula lahaa xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Nooca doodahaas iyo saamaynta ay ku yeelan karaan dhaqdhaqaaqyada gobolka weli si buuxda looma shaacin, ujeedooyinka rasmiga ah ee kulamadaan.

Wadashaqeynta Galmudug iyo Jubbaland, ayaa wanaagsanaa sannadihii la soo dhaafay, kuwaas oo dhowr jeer yeeshay kulamo xasaasi ahb oo diirada lagu saarayay arrimaha Soomaaliya.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed