Madaxwayna Dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumad Cumar Cagjar oo markii ugu horeeyay ka hadlay arinta Dawacalay ayaa ku sheegay xadgudub loo gaystay ciidanka degaanka oo amniga ilaalinayay.
Madaxwayne Cagjar oo sheegay in kooxo hubaysan ay soo weerareen Ciidamada amniga deegaanka ilaaliya ayaa carrabka ku dhuftay in si bila-adanimo aheyn u dileen ciidankooda.
Waxaa uu intaasi ku daray in Dawacalay tahay gudaha deegaanka Soomaalida, halka wixii ka dhacana ay masuul ka yihiin, isaga oo dariska faray arintaasi inay ogaadaan.
Sida oo kale waxaa uu cadeeyey in waxa sababay dagaalkii deegaanka in aanay aheyn dhul, balse ay ka dambeyeen sida uu hadalkiisa u dhigay in la yareystay gogoshii ka nabadda ee taalay.