Madaxweyna Somaliland oo safar ku tagay dowlad deegaanka isla markaana kulan muhiim ah la yeeshay madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo waftigii uu hogaaminayay ayaa  si diiran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Jigjiga Garaad Wilwaal ee dawlad deegaanka Soomaalida.

Madaxweyne Biixi iyo weftiga uu hoggaaminayo, ayaa waxa qaabilay madaxweynaha dawlad-deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamul-goboleedkaas oo xuduud la wadaaga Somaliland.

Sida ay sheegtay warbaahinta gobolka Karamar, labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimo ku saabsan iskaashiga amniga, ganacsiga iyo arrimo kaele oo khuseya labada dhinaca, isla markaana isla meel dhigay in la kordhiyo wadashaqeynta.

Madaxweyne Biixi waxa uu sii watay booqashadiisa  ee Itoobiya ka dib markii uu Isniintii la saxeexday heshiis “is-afgarad taariikhi ah” (MoU) oo uu la saxeexday Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed oo ay ka mid tahay in marin badeed loo helo ciidammada Badda Itoobiya si ay aqoonsi dhinaca Itoobiya u helaan.

Muuse Biixi iyo waftiga la socda ayaa lagu wadaa in ay safar dhulka ah ku galaan dhinaca Somaliland maaddaama ay wadaag xuduud.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed