Madaxii maaliyadda Al Shabaab ee gobolka Baay oo la dilay

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dileen madaxii maaliyadda Al shabaab ee gobolka Baay, kadib howlgallo xooggan oo ay sameeyeen ciidamada xoogga Soomaaliya.

Sargaalkaan sare ayaa magaciisa lagu soo koobay Aadan Gardhuub, waxana uu kamid ahaay hoggaamiyaasha uga waa weyn dagaalyahannada Al shabaab ee gobolka Baay.

“Ciidamada xoogga dalka ayaa Howlgal qorsheysan saaka aroortii Ku Qaarijiyey Madaxii Maaliyadda Khawaarijta ee Gobalka Baay Aadan gardhuub iyo Maleyshiyaad uu watay” ayaa lagu yiri war kooban oo ka soo baxay dowladada Soomaaliya.

Howlgalkan ayaa waxaa hoggaaminayey Taliyaha Ururka 46-aad, Guutada 8aad, Qeybta 60aad ee Ciidanka xoogga dalka  Xasan Aadan Maxamed, howlgalladaan ayaa ka dhacay Degaanada kala ah Adeegow Garaar ,Warta Dollar , Weeley Bagal iyo Degaanka Eey-Duuraay Ee Gobalka Baay.

Xalay ayey aheyd markii hey’adda Nabad-sugidda Soomaaliya ay shaacisay dilak 7 hoggaamiye oo ka tirsanaa Al shabaab, kuwaas oo lagu dilay howlgalladii ugu dambeeyay.

HBN NEWS DESK

 

 

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed