Madaxdii hore ee Soomaaliya oo ka hor yimid hannaanka in dalka uu yeesho nidaamka  Madaxweyne, iyo  ku xigeen soona saaray baaq culus

Siyaasiyiin dhowr oo xilal kala duwan ka soo qabtay Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Madaxweynihii hore, Ra’iisal Wasaarihii, guddoomiyaal baarlamaan iyo siyaasiyiin kale ayaa si kulul u sheegay in ay ka soo horjeedaan go’aanka siyaasadeed ee Golaha Wadatashiga Qaran ee dib u habeynta siyaasadda dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay masjid ku yaala xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho, ayaa ku nuux-nuux saday in ay ka go’an tahay dhaqan gelinta heshiiskaasi ka dib markii ay ansixiyeen Baarlamaanka. Taasi waxay keentay in siyaasiyiintu diidaan heshiiska siyaasadeed mar kale.

War saxaafadeed ay soo saareen maanta ayay siyaasiyiinta ku sheegeen in la aqbali karo oo kaliya in dalka lagu hoggaamiyo tallaabooyin la isku raacsan yahay, Wax ka bedelka Dastuurka waa in laga qeybgaliyaa dhammaan bulshada Soomaaliyeed iyadoo loo marayo hannaan dastuuri ah.

Madaxdii hore ee  ayaa ku hoosta ka xariiqay in Madaxweynaha uusan kaligiis qaadan karin go’aano la xiriira hirgelinta doorashooyinka dalka. Go’aannada noocaan ah waa in ay ku jiraan wadatashi lala yeesho dhammaan daneeyayaasha siyaasadda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada si waafaqsan shuruucda dalka, ayey ku sheegeen bayaanka.

Bishii May e ayay aheyd markii Golaha Wadatashiga Qaran sida Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Saalax Axmed Jaamac, oo ay wehliyaan afar ka mid ah Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Duqa Magaalada Muqdisho, ay soo bandhigeen doorashooyin toos ah horaanta sanadka soo socda lana mideeyo jadwalka doorashada Waxa kale oo ay ansixiyeen in dalka loo sameeyo nidaam madaxtooyo.

Masuuliyiinta hore ayaa isku raacay  ineysan suurta gal aheyn in dalka uu yeesho nidaamka  Madaxweyne, iyo  ku xigeen, oo lagu laray labo xisbi oo kaliya, iyagoo caddeeyay in madaxweynaha uu ka baxay balanqaadkii Shirkii Decale ee 11-12 July 2023.

Si kastaba ha ahaatee, Sharif Sheikh Ahmed, Sharif Hassan Sheikh Aden, Prof. Mohammed Sheikh Osman Jawaari, Omar Abdirashid Ali Sharmake, Abdiweli Sheikh Ahmed, Hassan Ali Khayre, Ridwaan Khersi Mohammed, D Abdinur Sheikh Mohamed,  C/qaadir Cosoble Cali, iyo D C/naasir Cabdulle Maxamed ayaa kula dar daarmay Baarlamaanka Soomaaliya in ay gutaan waajibaadka loo igmaday iyo in ay dhowraan Dastuurka, Shuruucda dalka, iyo xeer hoosaadka Baarlamaanka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed