Madaxa jabhadda RSF ee Suudaan oo booqday Jabuuti iyadoo ay socdaan dadaallo xabbad-joojin ah

Madaxa Ciidamada Gurmadka Degdegga ah ee Suudaan (RSF) ayaa booqasho ku tagay dalka Jabuuti, oo ah waddan hormuud ka ah dadaallada gobolka si loo fududeeyo xabbad-joojin siddeed bilood ah oo colaadeed ka dib.

Jabuuti waa safarkii ugu horeeyay ee uu dalka dibadiisa ku tago Maxamed Xamdaan Dabaglo tan iyo markii uu dagaalku dhexmaray ciidamada RSF iyo ciidamada Sudan bartamihii bishii April.

Booqashadiisa gobolka, oo sidoo kale uu tagay Itoobiya iyo Uganda, arrintaan ayaa timid iyadoo diblumaasiyiintu ay u xusul duubayaan sidii ay u dhex dhexaadin lahaayeen kulanka Dagalo, oo loo yaqaan “Hemedti” iyo ninka ay is hayaan, taliyaha ciidamada Suudaan Abdel Fattah al-Burhan.

Jeneraallada dagaallamaya ayaan si fool ka fool ah u kulmin tan iyo markii uu qarxay dagaalka oo ay ku dhinteen in ka badan 12,000 oo qof qiyaasaha qaar ee muxaafidka ah, malaayiin kalena ku qasbay inay qaxaan.

Hemedti ayaa sheegay in xaaladihii ugu dambeeyay ee dagaalka uu kala hadlay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed