Guddiga madaxa bannaan ee dib u eegsita dastuurka oo yeeshay kulan xasaasi ah

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee dib u eegsita iyo Hirgelinta Dastuurka  Burhaan Aadan Cumar oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga  Maxamed xasan Idriss ayaa shir guddoomiyay kulanka maanta ee guddiga oo looga hadlayay hannaanka doorashooyinka ee heshiiskii Madasha Wadatashiga Qaranka. Isla-markaana siiqad Dastuuriya loogu beddeli lahaa.
Xubnaha guddiga oo ahmiyadda koowaad siinaya sidii loo dhameystiri lahaa qabyo qoraalka Dastuurka KMG ah ayaa kulankooda maanta diirada saaray ka doodista Heshiikii Madasha Wadatashiga Qaran ee Doorashada iyo sidii uu ula fal-gali lahaa cutubka 4aad ee dastuurka oo ka hadlaya matalaada shacabka.
Dhawaan waxaa lagu wadaa in la hor geeyo baaralamaanka labadiisa aqal, si ay u meel mariyaan ama ay u diidaan, Golaha Wadatashiga Qaran ayaa doonaya in ay meel mariyeen hannaaka wax loog beddalayo doorashada Soomaaliya.
HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed