Madax dhaqameedka SSC-Khaatumo oo ka hadlay arrimaha doorashooyinka Puntland isla markaana soo saaray baaq

Madax dhaqameedka SSC-Khaatumo ayaa rajo ka muujiyay in xal laga gaaro khilaafka ka taagan doorashada Puntland, SSC ayaa ku baaqday in ay si hufan loo sugo ammaanka caasimadda maamulkaas ee Garoowe, isla markaana laha fogaado isku dhaca ciidamada hubeysan ee raacsan dhinacyada isku haya arrimaha doorashooyinka.
Shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Garoowe afhayeennada maamulka SSC-Khaatumo ayaa u sheegay in ay shacabka ka qeyb qaataan nabad galyada Puntland. Waxa ay xaqiijiyeen in dadka deegaanka ay dib u soo laabanayaan,islamarkaana la furi doono Iskuuladii xirnaa. Kooxda ayaa rajo ka muujisay in xal nabadeed laga gaaro khilaafka siyaasadeed ee taagan, sida ay hadalka u dhigeen.
Todobaadki hore ayay ahayd markii Isimada SSC ay gaareen Garoowe si ay wadahadalo nabadeed ula furaan Madaxweyne Deni iyo Mucaaradka hubeysan. Xudunta khilaafka ayaa ah qaabka doorashada soo socota ee Janaayo 2024. Madaxweyne Deni wuxuu door bidayaa inuu noqdo mid toos ah, hal qof iyo hal cod, waxaana caqabad ku ah dadka u ololeeya nidaamka doorashada dadban oo ay taageerayaan odayaasha dhaqanka iyo kooxaha mucaaradka.
Dhinaca kale, Barlamanka Puntland oo maanta fadhi yeelanaya ayaan la filayn inay ka doodaan xeerka doorashada ee wax ka bedelka lagu sameeyay, iyadoo uu jiro khilaafkii todobaadkii hore ee lagu kala kacay. Wararka ayaa sheegaya in dooda dib loo dhigi doono si loo fududeeyo dadaalada nabadeed ee socda.
HBN NES DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed