Madax dhaqameedka Puntland oo ka hor yimid Jadwalka Doorashada fariina u diray Madaxweynaha maamulkaas

28 ka mid ah Isimada dhaqanka Puntland oo maalmihii u dambeeyay shir ku lahaa magaalada Garoowe ayaa soo saaray bayaan ay ku sheegeen in doorashada aysan dib uga dhici karin waqtigii loo asteeyay oo ah 8-da Janaayo 2024.

Madax dhaqameedka ayaa sheegay in Baarlamaanka Puntland lagu soo xulo qaab beeleed sidii hore, iyagoo tilmaamay in Madaxweyne Deni uusan waqti ku filan ka harin in lagu qabto doorasho hal qof iyo cod ah.

Isimada dhaqanka ayaa sidoo kale ugu baaqay Madaxweynaha Puntland in uu si deg deg ah u soo saaro lifaaqa doorashada, isla markaana uu magacaabo guddiga u xilsaaran ansixinta baarlamaanka iyo xallinta khilaafaadka.

Hadalkaan kasoo yeeray Isimada dhaqanka Puntland ayaa kusoo aadaya xili maalinta berito ah la filayo in Golaha Wasiirada ay ansixiyaan Jadwalka cusub ee doorashada Puntland oo dhawaan ay shaaciyeen gudiga doorashada Puntland.

Si kastaba ha ahaatee waxaa jira warar sheegay in  khilaaf uu soo kala dhex galay Deni iyo Boqor Burhaan Boqor Muuse oo shir guddoominayay shirkii Isimada ee Garoowe.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed