Madaafiic Sababay Dhimasho iyo Dhaawac oo Lagu Garacay Shabeelada Hoose

Faah faahino kala duwan ayaa ka soo baxaya gobolka Shabeelada Hoose kadib markii madaafiic lagu garaacay  deegaaanno hostaga gobolka, waxaana ka dhashay khasaaro iskugu jiro dhimasho iyo dhaawacyo.

 Golweyn ka tirsan magalaada Marka ee gobolka Shabeelada Hoose ayaa la sheegaya in ay ku soo dhaceen madaafiic dhowr ah oo kala duwan, oo lagu eedeyay in ay soo tuureen Ciidanka ATMIS ee ku sugan gobolkaasi.

Inta la xaqiijiyay ilaa 6 ruux ayaa ku dhaawacmay, oo qaarkood isku qoysii yihiin, iyada oo aan dhimashada si rasmi ah loo caddeyn, gantaalada ayaa soo dhacay xilli habeen ah oo ay dadku jiifeen.

 Goobjoogayaal la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in madaafiicda ku soo dhacay magalada ay ku dhaacmeen dad isku qoys ah oo ay ku jiraan Sedeex caruur ah iyo Hooyadood.

Majiro wax war ah oo ka soo baxay Madaxda Ciidanka ATMIS iyo dowladda Soomaaliya, iyada oo maalmo kahor deegaanka Saakow lagu garaacay sidaan oo kale madaafiic lagu eedeyay in ay fuliyeem diyaaradaha Kenya.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed