Madaafiic Lagu Garaay Magaalada Laascaanood iyo Wararkii Ugu Dambeeyay.

Waararka ka imaanaya magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa sheegaya in madaafiic xooggan lagu garaacay gudaha magaalada, waxaana ka dashay burbur xooggan sida goobjoogayaal ay sheegeen, dhankale sawirrada laga soo qaaday goobaha ah ay madaafiicdu ku dhacday  ayaa muujinaya waxyeelada uu sababay.

Ciidamada Somaliland ayaa la sheegay in tiro madaafiic ah ay ku soo rideen gudaha magaay Laascnood, ilaa hadda lama xaqiijin Khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay marka laga reebo burbur soo gaaray dhimayaasha magaalada.

Madaafiicda ayaa la xaqiijiyay in ay ku soo dhaceen agagaarka isbitaalka weyn, jaamacadda Nugaal iyo masjidka jaamaca sida ila xog ogaal ah ah noo sheegeen, mana jiraan wax war ah oo ka soo baxay labada dhinac ee ku aadan hoobiyaasha lagu garaacay Laascaanood.

Duqeyntan ayaa ku soo beegmeysa iyada oo wefdigii duubabka ee ka tegey Muqdisho isuna xilqaamey in ay nabad ka shaqeeyaan horeyna u booqdey Laascaanood ay ku sugan yihiin Hargeysa.

wixii war ah ee ku soo kordha halkaan kala soco haddii Alle idmo.

HBN News Desk 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed