Madaafiic lagu garaacay magaalada meel u dhaw madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho oo sababay khaasaaro kala duwan

Ugu yaraan hal qof oo rayid ah ayaa ku dhintay tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii madaafiic  lagu weeraray xarumo ku yaal magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, kuwaas oo laga maqlay degmooyin dhowr ah oo ku yaal gobolka Banaadir.

Sida ay sheegeen dadka deegaanka, mid ka mid ah madaafiicda ayaa ku dhacay guriga qofka dhintay oo ku yaalla xaafad ku dhow madaxtooyada Soomaaliya, waxana jiro tuhun ku saabsan in weerarkaan loo waday dhanka madaxtooyada dalka.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka hoobiyeyaasha ah, balse Al-shabaab ayaa inta badan sheegta weerarradan nuucaan ah kala ah, oo ay waxyeelo ka soo gaarto dadka shacabka ah, dhowr jeer madaafiic sidaan oo kale lala eegtay xarumaha dowladda ayaa sababay khasaaro xooggan oo soo gaaray dadka shacabka ah.

Ilaa iyo hadda dhanka laamaha ammaanka Soomaaliya wax war ah kama soo saarin, hoobiyaashaan.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed