Maamulka SSC-Khaatumo oo soo bandhigay ku dhawaad 10 maxaabiis ah

Maamulka SSC-Khaatumo ayaa ayaa shaaciyay ilaa 7 maxbuus oo ay sheeegen in lagu soo qabtay dagaalkii cuslaa ee dhexmaray ciidamada Somaliland iyo kuwa Khaatumo kaas oo shalay ka dhacay gobolka, waxana ka dashay khasaaro xooggan.

Laba xubnood oo ka tirsan guutada Birjeex ee ciidamada milateriga Somaliland oo lagu kala magacaabo Farxaan Yaasiin Cismaan iyo Axmed Cabdi Aadan oo warbaahinta kula hadlay magaalada Laascaanood ayaa sheegay in ay kamid yihiin raggii lagu soo qabtay dagaalladii ka dhacay inta u dhaxaysa Buqdharkayn iyo Yayle ee gobolka Sool lagu soo qabtay.

Dagaalkii Arbacadii ka dhacay Buqdharkayn iyo Yayle ayaa waxaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay, waxaana xaaladdu ay tahay mid aan caadi ahayn, iyadoo weli la isku haysto gacan ku heynta deegaanka.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Cali Maxamed Xasan Cali Mareexaan, ayaa ku eedeeyay saraakiisha SSC ee Khaatumo inay soo abaabuleen colaadda. Isagoo arrintaasi ka jawaabaya ayaa afhayeen u hadlay SSC Khaatumo wuxuu eedaymo culus u jeediyay Somaliland.

Si kastaba, labada dhinac ayaa isku eedeyay bilaawga dagaalka ka dib markii ay soo saareen warbixino kala duwan oo ku aaddan dagaalladii dhacay shalay.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed