Maamulka SSC khaatumo  oo magacaabay Xoghayeyaasha Golaha Fulinta ee maamulkaas.

Maamulka SSC khaatumo  ayaa maanta magacabay  Xoghayeyaasha Golaha Fulinta  ee maamulkaas, kulan ayaa waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiinta ugu sarreyso maamulka, kuwaas khudbado kala duwan ka jeediyay goobta.
Golaha Dhexe ee Maamulka SSC-Khaatumo ayaa cod aqbaliyad leh codka kalsoonida ku siiyey Xoghayeyaasha Golaha Fulinta oo uu  magacaabay Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo,Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali kulan maanta ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
Codka kalsoonida markii loo qaaday kaddib, waxaa la dhaariyey Xoghayeyaasha iyada oo ay goobjoog wada ahaayeen Hoggaamiyaha, Kuxigeen Hoggaamiyaha iyo Gudoonka Golaha Dhexe ee Maamulka SSC-Khaatumo.
Si kastaba, dadka ka soo jeedo maamulka dhawaan galka ah ee SSC khaatumo ayaa soo dhaweeyay hannaanka lagu magacaabay Xoghayeyaasha Golaha Fulinta ee maamulka Laascaanood, kuwaas oo iyaguna sheegay in ay si daacad ah ugu shaqeeyn doonaan shacabkooda.
HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed