Maamulka SSC-khaatumo oo jawaab culus ka bixiyay hadal xasaasi ah oo ka soo baxay Somaliland

Maamulka SSC-khaatumo ayaa jawaab ka bixyay hadal 9 bishaan September ka soo baxay Somaliland oo ay ku sheegeen in dagaalyahanno ka tirsan Al shabaab ay soo gaareen Laascaanood,  kuwaas oo tiro ahaan ay ku sheegtay 600 oo dagaallame, oo uu hoggaaminaayay Fu’aad Shango’le oo kamid hoggaamiyaasha Al shabaab.

Bayaan ka soo baxay Maamulka SSC-khaatumo waxaa ay ku sheegeen in Somaliland hadallo been abuur ah ah la wadaageyso bulshada, iyaga oo iska fogeeyay eeda ka timid Hargeysa ee lagu xusay, wax ay ku sheegeen argagixiso in maalmihii dambe yimadeen magaalada Laascaanood, kuwaas oo khatar ku ah jiritaanka Somaliland iyo gobolkaba.

Sidoo kale waxaa ay bayaan ku sheegeen in Somaliland ay damacsan tahay in ay weeraro ka fuliso  deegaannada maamulka SSC, oo ay u gogol xaaraneyso, baayaanka ayey sidoo kale ku sheegeen in jawaab ka bixi doonaan haddii Somaliland ay qaado tallaabo lagu banneeysanayo weeraro ka dhan ah deegannadooda.

Maamulka SSC-khaatumo waxaa ay hoosta ka xariiqeen in si buuxdo ay gacanta ugu hayaan xaduudahooda, diyaarna ay u yihiin in la shaqeeyaan hey’adaha ammaanka Soomaaliya, kuwa gobolka iyo kuwa caalamiga ah si looga hortago halista argagixisada.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed