Maamulka Puntland oo madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyay dagaal beeleed ka dhacay Mudug

Wasiirka Qorsheynta Maamul Goboleedka Puntland Maxamed Siciid Faroole ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waa sida hadalka uu u dhigay’e inuu ku lug leeyahay dagaal beeleed dad badan ay ku dhinteen oo ka dhacay Gobolka Mudug.

Wasiir Faroole ayaa bartiisa X ee horay loo oran jiray Twitter-ka ku soo qoray  in dagaalka u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed oo ka soo kala jeeda Galmudug iyo Puntland uu muujinayo in magaalada Gaalkacyo uu ka bilowday dagaal saddexaad oo u dhaxeeya maamulada Puntland iyo Galmudug, balse caddeymo ku aaddan eeddiisa ma uusan soo bandhigin.

“Xiriirka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Colaadda Mudug ee Puntland iyo Galmudug waa mid aan muran ka taagneyn, weerarkii maanta ka dhacay Goldogob ee ay soo qaadeen Maleeshiyada Galmudug waa bilowgii dagaalkii 3-aad, labadii hore waxay dhaceen 2015 iyo 2016 xilligii Xasan Sheekh…,” ayuu ku soo qoray bogiisa X ama Twitter-ka.

Taniyo markii uu xumaaday xiriirka Garowe iyo Muqdisho, maamulka Puntland ayaa dhowr jeer ku eedeeyay dowladda dhexe in ka dambeeyeen dagaallo kala duwan oo ka dhacay maamulkaas, iyaga oo aanan soo bandhigin wax caddeyn ah, marka laga reebo in warbaahinta ay soo mariyaan hadallo ka dhan ah dowladda.

Ku dhawaad ​​16 qof ayaa ku dhintay in ka badana waa ay ku dhaawacmeen dagaal beeleed ka dhacay deegaanno ka tirsan ee gobolka Mudug. Muranka ayaa ka bilowday dhul daaqsimeed ku yaalla deegaankaasi kaas oo ilaa shalay socday.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed