Faah faahino ayaa ka soo baxaya dagaal maanta ka dhacay deegaanada Yaaqbariweyne iyo Kaba Hirig, oo hoostaga degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellada Hoose.
Dagaalka ayaa yimid ka dib, markii ay ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ay weerar ku qaadeen goob ay ku sugnaayeen maleeshiyaad hubeysan oo deggan deegaanka Yaaqbari wayne.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaalka, iyada oo dhinacyada dagaalka uu khasaare kala duwan ka soo gaaray, sida ay inoo sheegeen dad goobjoog ah.
Wasiirka Amniga Koofur Galbeed Xasan Cadbulqaadir Maxamed oo ka hadlay dagaalka ayaa sheegay, in ay weerar ku qaadeen maleeshiyaad hubeysan oo ku sugnaa Yaaqbariwayne, kuwaa oo uu ku eedeeyey in ay isbaaro u dhigteen dadka sahcabka ah ayna hal ruux ka dhaawaceen sida uu hadalka u dhigay.
Dhinaca kale, Mas’uuliyiinta ka socda deegaannada lagu dagaalamay oo uu kamid yahay Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, ayaa ku eedeeyay maamulka Koonfur Galbeed in ay dhibaato ka wadaan halkaasi, iyaga oo ku doodaya in ciidamada la weeraray ay la dagaalamayaan Alshabaab.
HBN ONLINE TV