Wasiirka Arrimaha Dibadda Aljeeriya, Axmed Cadaaf, ayaa Isniintii shalay Israa’iil ku eedeeyay inay isku dayayso inay kala qaybiso Soomaaliya, xilli uu khudbad ka jeedinayay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Hadalka Cadaaf ayaa yimid kaddib markii Israa’iil ay bishii Diseembar ee sanadkii hore 2025 ku dhawaaqday inay aqoonsatay Somaliland. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa tallaabadaas diidday, waxaana sidoo kale dhaleeceeyay dalal iyo ururro gobolka iyo caalamka ah.
Cadaaf ayaa sheegay in Aljeeriya ay taageersan tahay madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalalka, wuxuuna ku baaqay in xiisadaha la dejiyo lana ixtiraamo sharciga caalamiga ah.
Wasiirku wuxuu sidoo kale Israa’iil ku eedeeyay inay sii waddo dilka dadka rayidka ah ee Falastiiniyiinta ah ee Gaza,
isla markaana aysan fulin heshiiska xabbad-joojinta. Wuxuu ku celiyay taageerada Aljeeriya ee dhismaha dowlad Falastiini ah oo madax-bannaan, caasimaddeeduna tahay Qudus.
HBN Online Tv

