Wararka ka imanaya xeebaha gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegaya in kooxo burcad-badeed ay badda ku quusiyeen markabka MT Eureka, oo laga leeyahay Imaaraadka Carabta, kuna gooshayay calanka Togo, isagoo shidaal u siday Boosaaso.
Burcaddu waxay markabka ka dejisay sida la sheegay 12 badmaax oo ay afduub u haysteen, waxaana la tilmaamay in loo qaaday meel u dhow xeebta deegaanka Holcaanood. Ilo maxali ah ayaa sheegay in kahor inta aysan markabka ka tegin, burcaddu waxay dhaawac u geysatay qaar ka mid ah shaqaalaha, wallow aanu jirin war arrintasi si madaxbanaan u xaqiijin kara.
Quusinta markabka ayaa cadaadis cusub ku abuureysa milkiilayaasha maraakiibta kale ee gacanta ugu jira burcad-badeedda, kuwaas oo dalbanaya madax-furasho.
HBN Online Tv

