Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada caasimadda Itoobiya, halkaas oo uu ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed.
Labada masuul ayaa la filayaa inay yeeshaan kulamo looga hadlayo xiriirka labada dal iyo xaaladda guud ee Geeska Afrika.
Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku soo beegmaya xilli Itoobiya ay wajahayso xaalado amni iyo siyaasadeed, iyadoo wararka laga helayo dalkaasi ay sheegayaan in dagaallo culus ay ka socdaan Waqooyiga dalkaasi.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale la filayaa inuu berri u safro Jabuuti, halkaas oo uu kula kulmi doono Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, si ay uga wada hadlaan xiriirka labada dal iyo xaaladda gobolka, inkasta oo aanu madaxtooyada Soomaaliya xaqiijin socdaalkaasi.
HBN Online Tv

