Ciidamada Ilaalada Badda ee Puntland (PMPF) ayaa war caawa ka soo baxay waxaa lagu sheegay in howlgal ay ka sameeyay xeebaha Dharin-baar ee degmada Bander-Beyla ay kooxaha burcadda Burcad-badeedda deegaanadda Bari ay khasaaare dhimasho iyo dhaawac soo gaarsiiyeen ku dhawaad 20 shaqaale ah oo saarnaa Markabka MT Honer 25 oo tan iyo raantii sanadkan madax furasho loo heystay.
War kasoo baxay ciidanka PMPF ayaa lagu sheegay in burcad-badeeddu ay dileen 5 ka mid ah shaqaalaha markabka MT Honer 25 ka hor inta uusan bilaaban howlgalka, halka 4 kalena ay dhaawaceen. Hase yeeshee, warar soo baxaya ayaa sheegaya in khasaaruhu dhashay kadib markii uu dhacay iska hor imaad ay ciidanka kala kulmeen kooxaha.Cid arrintan si madaxbanaan u xaqiijisay ma jirto.
Intii uu socday howlgalka oo saacado qaatay, ciidamada Puntland ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen 16 ka mid ah burcad-badeedda, halka qaar kale ay baxsadeen, kuwaas oo ciidamada ay tilmaameen inay ku raad-joogaan. Dhinaca burcad-badeedda ayaa sidoo kale la sheegay inay jiraan dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aan weli la xaqiijin tirada saxda ah.
Sida ay sheegeen PMPF, markabka MT Honer 25 ayaa la qabsaday 21-kii Abriil 2026, xilli uu marayay xeebaha Soomaaliya, waxaana kooxihii haystay ay dalbanayeen madax-furasho dhan 2 milyan oo dollar.
Howlgalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay xeebaha Puntland dib uga soo cusboonaadeen dhacdooyinka burcad-badeednimada. Maalmo ka hor ayaa sidoo kale la sheegay in markabka SIBU 1 laga soo furtay kooxo burcad-badeed ah, iyadoo Puntland ay sheegtay inay sii wadi doonto howlgallada ka dhanka ah kooxaha haysta maraakiibta.
HBN Online Tv

