Galmudug oo maalinta berri ah markii 2-aad marti-galinaya doorashada ku celiska ah ee golayaasha Baarlamaanka & deegaaanka

Iyada oo maalinta berri ah lagu wado in deegaannada maamulka Galmudug in markii 2-aad lagu qabto doorashada golayaasha Wakiillada iyo deegaanka ayaa waxaa caawa Bandow galaya goobo badan, aysanne jiri doonin wax dhaqaqaaq ah.

Taliyaha Qeybta Guud ee Ciidanka Booliska Galmudug, Gaashaanle Sare Khaliif Cabdulle Maalin ayaa wargelin ku saabsan sugidda amniga doorashada berri ee degmooyinka iyo deegaannada Galmudug wuxuu u akhriyey warbaahinta.

Waxaa la mamnuucay wax taleefan ah loo soo  qaato goobaha codbixinta. Tani waxaa lagu sababeeyey in qaladaad hore oo ka dhacay goobaha codbixinta.

“laba iyo tobanka saac ee doorashadu socoto wax baabuur ah oo la ogol yahay ma jirto” ayuu yiri Taliyaha Booliska Galmudug.

Talabaanadi waxay imaanaysaa iyada oo Ururka Siyaasadeedka Towfiiq oo laga reebay inuu ka qeyb-noqdo xubnaha ka soo muuqday ka qeyb-galka doorashaasi berri uu muujiyey cabasho weyn, taasi oo loo diray madaxweynaha Soomaaliya iyo masuuliyiinta guddiga dorashooyinka.

Waxaa xusid mudan ururkan uu ahaa xisbigii kaalamaha 2-aad ka galay doorashadii hore ee 31-Luulyo ka dhacday deegaannada maamulka Galmudug. Arrinta ka dhalatay ka maqnaanshaha Towfiiq ayaa sii kordhisay doodda ku saabsan ka qeybgalka ururrada siyaasadeed ee doorashada ku-celiska ah ee Galmudug.

HBN Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed