Maamulka Hawada Soomaaliya oo beeniyay in diyaarad ku dhacday Koonfurta Soomaaliya

Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya ayaa beenisay hadal ka soo yeedhay diyaarad ku dhacday meel u dhow magaalada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose, oo  dhawaan lagu faafiyay baraha bulshada.

Warbixin ay hay’addu soo saartay oo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa lagu yiri “Ma jiro wax shil diyaaradeed oo ka dhacay guddaha Soomaaliya oo dhan, garoonka diyaaradaha dhammaan howlgalada iyo hawada Soomaaliya. 24-kii saac ee lasoo dhaafay aysan jirin wax shil ah oo dhacay. ”

Bishii Luulyo ee sanadkan ayay ahayd markii diyaarada ah oo E-120 ah oo la socotay gudihis ay ku degtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho. Iyada oo dhammaan 30-kii qof ee saarneed ay badbaadeen.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed