Maamulka gobolka Hiiraan oo gargaar bini’aadannimo gaarsiiyay qoysas ka barakacay magaalada Baladweyne.

Maamulka Gobolka Hiiraan, ayaa gurmad bini’aadannimo u fidiyay qoysaskii dhawaan ka barakacay magaalada Baladweyne kadib roobabkii mahiigaanka ahaa iyo fatahaadda Wabiga Shabeelle oo saameyn xun ku yeeshay qoysaskaasi oo ka barakacay guryahooda.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan C/llaahi Axmed Maalin Sufurow oo la hadlay warbaahinta ayaa tilmaamay in si isku mid ah ay wax ugu qeybiyeen dadka dhibaateysan ee sida daran u saameeyay deegaanada ka baxsan magaalada Baladweyne.

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa deeqdan ka guddoomay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SODMA, si maamulku u gaarsiiyo deegaanada ay ku barakaceen qoysaskii ay ka barakaceen, iyadoo la kaashanayo guddi gaar ah oo dadkaasi loo xil saaray.

Guddoomiye Sufurow ayaa tilmaamay in dadka ay aad ugu faraxsan yihiin maadaama inta u dhaxeysa 600 ilaa 700 oo qoys oo ku nool deegaanka Ceel-jaalle ay gaarsiiyeen gargaarka ay Dowladda Federaalka u qorsheysay in si siman loo qeybiyo dhammaan qoysaska ay dhibaatadu soo gaartay.

Si kastaba ahaa, wili waxaa jiraan kumanaan qoys oo aanan helin wax gargaar ah kuwaas oo ka cararay fatahaadaha wabiga Shabeelle ee gobolka Hiiraan, gaar ahaan magaalada Beledweyne, kuwaas oo duleedka gobolka ku wajahaya nolol darran.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed