Maamulka Gobolka Hiiraan oo Amar Culu Duldhigay Hey’addaha Samafalka.

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in Hay’addaha gargaarka ee ka shaqeeya goobaha laga saaray Al shabaab aysan howl ka qaban karin iyaga oo aan ogolaansho ka heysan Maamulka nuuc kaste oo ay yihiin.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte oo shir jaraa’id ku qabtay Beledweyne ayaa hoosta ka xariiqay in hey’ad walbe ee ka shaqeeyneyso gobolka gaar ahaan deegaanada laga saaray Al shabaab ay maamulka la wadaagaan shaqada ay qabanayaan nuuca ay tahay iyo dadka qabanaa oo aysan kaligood howlgalo karin.

Waxaa u sababay arrintaan arrimo xariiro amnaanka xilli uu si maldahan u sheegay in dadka hey’adaha ka shaqeynaya ay gudbinayaan xog la xiriirto Ciidanka ku sugan goobaha laga saaray Kooxda AS.

Sidoo kale waxaa uu sheegay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan in hey’addo tagay goobaha Shabaab laga saaray in ay bixiyeen Macluumaad ku saabsan ammaanka  kadibna Xarakada Al shabaab ay weerar ku soo qaadeen dhowr jeer.

Cali jeyte ayaa yiri “ Seddex maalin kahor Qolo wax qeybinayay ayaa tagay meel mana garanaayo meel laga lahaay, labo ayey joogeen maalintii Seddexaadna Meeshii weerar ayaa lagu soo qaaday, waxaan kale oo aan tuhunsanahay weeraro meelo badan ka dhacay sida Maxaas oo kale Macluumaad la’aan aysan aheyn dadka Maxaas daggana Ma aysan bixin xog ku saabsan ammaanka”.

Si kastaba Maamulka gobolka Hiiraan ayaa caddeeyay in hey’addaha shaqada ay qabanaya iyo shaqaalaha ay qaadanayaan ay la wadaagaan maamulku uuna ogyahay.

Hey’addaha uu magacaay waxaa kamid ah WFP oo ah hey’adda Cunnada adduunka ee Qaramada Midoobay oo kamid ah kuw laf-dhabarta ah ed muddada dheer ka shaqeeyneysay Soomaaliya.

HBN News Desk 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed