Maamulka Gobolka Hiiraan ee uu hoggaamiyo Cali Jeyte Cismaan ayaa ku dhawaaqay in uu dib u bilaabanayo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolka Hiiraan, maalin kadib markii weerar lagu dilay in ka badan 36 qof ay ku dhinteen 40 kale oo ka dhacay magaalada Beledweyne.
Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan oo ku dhawaaqday inuu yahay Madaxweynaha Maamulka Hiiraan State ee aanan heysan aqoonsiga ayaa shaaca ka qaaday in howl galadan cusub oo balaaran ay dhacayaan Tuulada Tedan si loogu xasuusto dadkii ku dhintay duulaankii hore ee lagu xoreeyay Bariga Gobolka Hiiraan. Howlgalka ay ciidamadu sameeyeen ayaa waxaa horkacayay oday dhaqameedka Cilmi Hagar Guure oo ka mid noqday dadkii lagu dilay howlgalladaasi.
Madaxweyne Jeyte ayaa yiri “Waxaan horay u go’aansaday in aanan u tacsiyeyn qof ka tirsan Al-Shabaab, taas bedelkeedana waxaa iga go’an in aan cadaaladda u raadiyo dhammaan dadkii ku dhintay qaraxii ka dhacay Beledweyne.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ergayga Midowga Afrika ee AMISOM ayaa cambaareeyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee Al-Shabaab ay Sabtidii shalay ka fuliyeen magaalada Beledweyne.
Gaari xamuul ah oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa yaalla bar kontorool oo ku taalla dhismihii hore ee warshaddii cabitaanka ee Horseed . Gaariga xamuulka ah ayaa si xoog ah uga soo gudbay koontaroolka ciidamada dowladda ay ku sugnaayeen. Sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah, markii uu qaraxu dhacayay waxaa eryanayay gaari ay wateen ciidamada ammaanka.
Si kastaba ha ahaatee, isu imaatinkan ducada ah ayaa ka dhacay tuulada Tedan ee gobolka Hiiraan, oo ah goob muhiimad taariikhi ah leh oo ka mid ahayd goobihii ugu horeeyay ee laga billaabay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab sanadkii hore.
HBN NEWS DESK