Maamulka magaalada Bosaaso ee xarunta gobolka Bari ee maamulka Puntland ayaa kormeera Buundooyin ku yaala deegaanka Kalabayr oo ay gooyeen daadadka ka dhashay robabka Guga ee maalmihii lasoo dhaafay ka da’ay deegaannada gobolkaas, kaasoo gooyay waddooyin halbowle u ah isu-socoka dadka iyo gaadiidka.
Maamulka ayana sameyay Jid cusub oo ay isticmaalaan gadiidka iyo bulshada u kala safara deegaanda Puntland, iyadoona Buundooyinkii go,ay la dhigay calaamadaha digniinta laguna xiro ciid si aysan waxyeelo uga soo gaarin gadiidleyyda iyo bulshada.
Taliyaha qaybta Booliiska gobolka G/sare C/qaadir Jaamac ayaa gadiidlayda uga digay halista uga imaan karta buundooyinka laamiga ku yaal maaddaama lagu jiro xili roobaad dhulkuna jilicsan yahay, wuxuu faray gadiidlayda in ay yareeyaan xawaaraha ay ku socdaan kana taxadadaraan si ay dhibaato usoo gaarin naftooda, hantidooda iyo Bulshada ay u shaqaynayaan.
Xildhibaano ka tirsan Golaha Deegaanka oo qeyb ka ahaa kormeerka ayaa gadiidlayda uga digay khataraha ka dhalan karaa iyagoona ku wacyigeliyay in gadiidka ay u wadaan si tartiib ah maadama lagu jiro xli roobaad.
HBN NEWS DESK