Maamulka Gobolka Banaadir oo soo saaray digniino culus

Iyadoo ay sii kordhayaan roobabka xilliga dayrta ayaa maamulka gobolka Banaadir waxa uu soo saaray digniino iyo diyaargarow ku aaddan sidii wax looga qaban lahaa fatahaadaha ka dhalan kara caasimadda. Maxamed Axmed Diiriye Yabooh, Guddoomiye ku-xigeenka Amniga & Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa shacabka ku nool Caasimadda kula dardaarmay inay feejignaan muujiyaan, isla-markaana ay ka digtoonaadaan khatarta ka imaan karta roobabka xilliyada qaar.

Yabooh ayaa ku nuux nuuxsaday in Maamulka Gobolka Banaadir uu ku jiro feejignaan dheeri ah, maadaama guddi loo saaray xaaladaha degdega ah ee ka dhalan kara fatahaadaha, Maamulka Degmooyinkana  uu si dhow ula socdo xaaladda.

Iyadoo la filayo marin biyoodka muhiimka ah, Yabooh wuxuu ku dhawaaqay qorsheyaal lagu baabi’inayo caqabadaha ka qayb qaadan kara fatahaadda. Isagoo qiray in waddooyinka iyo guryaha qaar ay roobabku saameyn ku yeelan karaan, wuxuuna shacabka u caddeeyay in dadaallada ka hortagga ah ay ku jiraan gacanta waaxda howlaha guud.

Waaxdu waxa ay ku qalabaysan tahay booyado iyo mashiino kale si ay u maareeyaan socodka biyaha iyo yaraynta saamaynta kaabayaasha iyo guryaha.

Yabooh wuxuu hoosta ka xariiqay in howlaha socda ay ka baxsan yihiin ka hortagga fatahaadaha, ayna koobayaan ujeeddooyin ballaaran sida amniga iyo la dagaallanka musuqmaasuqa.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed