Maamulka Gobolka Banaadir oo Amar Culus Ku Soo Rogay Muqdisho

Maamulka gobolka Banaadir ayaa amar culus ku soo togay goobaha lagu caweeyo ee Caasimadda ee Soomaaliya kadib kulanka dhacay dowladda hoose ee Xamar oo ay ka soo qeyb galeen Masuuliyiin kala duwan ee gobolka sida ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda.

Yuusuf Xuseen Madaale Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa gabi ahaanba mamnuucay in wixii ka dambeeyo 12:00 habeenimo ee Soomaaliya in aysan furnaan karin Maqaayadaha, Hoteelada iyo dhammaaan goobaha lagu caweeyo, isaga amray in albaabada la isku dhufto guud ahaan waqtigaas.

Dhanka kale la joojiyay ka ganacsiga waxyaabaha maanka dooriya sida Xashiiska, Calaqa, Tubaakada, Qamriga iyo wixii la halmaala, in aanan laga ganacsan karin, cidii lagu arkana laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

Ugu dambeyntii  Maamulka gobolka Banaadir aya kulan la yeeshay, Ganacsatadii goobihii uu horay u xiray maamulka dowladda hoose ee Xamar, balse Faah faahin dheeraad ah lagama bixin waxyaabihii laga hadlay.

Amarkaan lagu xiraaayo goobaha lagu caweeyo habaeenkoo wixii ka dambeeyo ayaa ku soo aadaya iyada horay maamulka gobolka u bilaabay in ay xiraan goobo la sheegay in lagu isticmaali jiray maandooriyaha.

HBN News Desk 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed