Maamulka Gobolka Banaadir oo Amar Culus Ka Soo Saaray Qabuuro Lagu Soo Rogay in Meydadka Laga Saaro.

Maamulka gobolka Banaadir oo ka horyimid Qabuuro dhawaan lagu bilaabay in laga saaro dadkii horay ugu dugnaa, kuwaas oo muddo fog lagu aasi jiray dadka ku dhinta Muqdisho iyo deegaannada u dhaw, qabuurahaan oo ku yeel duleedka magaalada Muqdisho loona yaqaan qabuuraha Macalin Nuur.

Dhowrkii bil ee la soo dhaafay ayaa Qubarahaas laga saaray dad badan oo lagu amray Ehelladooda in ay la baxaan, balse Isbuucaan iyo kii hore ayey arrintaan isa soo tartay kadib markii muuqaallo laga soo duubay Qabuuraha lagu lifaaqay iyada oo laga saaray goobihii lagu duugay, kuwaas oo qabsaday warbaahinta bulshada.

Guddoomiyaha  gobolka  Yuusuf Madaale oo tagay qabuuraha ayaa mamnuucay in la faago dadkii aasnaa wixii maanta ka dambeyo, asiga oo sheegay dhulkaasi la waqfay si ogaal ah, oo uu bixiyay dhulkaasi, Marxuun Macalin Nuur oo loogu magac daray Qabuurahaas oo maalin walbe dadka lagu aasi jiray.

Madaale ayaa intaasi ku daray in dowladda Soomaaliya ay masuul ka tahay Qabuuraha oo lagu wareejin doono Xeyndhaab mamnuucaya in markale laga soo saaro dad dhintay, waxaa uu ka dhawaajiyay cidii ka madax adeygto, una hoggaansamin amrkaas in ay sharciga la tiigsan doonaan, lana xiri doono.

Si kastaba, Qabuurahan aya waxaa xilligii dowladdii dhexe ku deeqay Marxuum Mcalin Nuur, balse waxaa la sheegay Caruurtii uu dhalay ayaa iyo Ehelkiisa in ay go’aan sadeen in ay dib usoo ceshadaan dhulkii uu Aabahood bixiyay.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed