Maamulka Galmudug amar culus dul dhigay Ceel Biyoodyada ku yaal maamulkaas

Maamulka Galmudug ayaa la wareegay Ceel Biyood dhowr jeer ay ku dagaallameen malleeshiyaad gobolka wada daga, isla markaana ay ka dhasheen khasaaro xooggan oo iskugu jiro dhimasho iyo dhaawacyo.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Dhuusamareeb,  Cabdisamad Salaad Aadan ayaa sheegay in maamulka Galmudug uu la wareegay Ceeel Biyood ay maalmo ka hor ku dagaalameen labo maleeshiyo beeleed oo walaala ah.

Waxaa uu sheegay in haatan wixii ka dambeeya maamulka Galmudug Ceelasha Biyaha ee gobolka  laga qadi karin kuwaas oo aysan iyaga ka war heyn, maaddaama lagu dagaallamay in badan.

Ceelasha lagu dagaallamay ayaa ahay kuwa ku yeel deegaanka Xananbuure ee gobolka Galgaduud, waxana ku dagaallamay Malleeshiyaad ka soo jeedo magaalooyinka Dhuusamarreeb iyo Cadaado, waxana ka dashay xiisad culus oo deegaanka ah.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed